Maxkamdda ciidamada oo xukun adag ku riday askari dil ka geystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askari ka tirsan ciidamada dowladda oo horey dil uga geystay gudaha magaalada Muqdishio, gaar ahaan degmada Hodan.

Liibaan Cabdi Faarax ayaa loo heystay dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Maxamed Daahir Siyaad, dilkaasi oo ka dhacay degmada Hodan 10-kii December 2019.

Kadib dilka Marxuumka Seddex Xarigle Liibaan Cabdi Faarax waxa uu u baxsaday gobalka Galgaduud.

Warqad cabasha ah oo ay ehelka Marxuumka ku dalbanayaan in cadaaladda la hor keeno eedeysanah ayay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida u dirsadeen 15-kii December seddex cisha kadib dhimashada Maxmed Daahir Siyaad.

Intaas kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa ka dalbaday taliska NISA qeybta Galmudug in ay sharciga hor keenaan Seddex Xarigle Xoogga Dalka Liibaan Cabdi Faarax.

5-tii April sanadkan ayaa ciidamada amniga NISA ku wareejiyeen saldhigga Booliska garoonka Aadan Cadde oo markaas laga soo dajiyey eedeysanaha, waxaana isla xilligaas baaris dheeraad ah ku sameeyey laanta dambi baarista Booliska ee CID.

13-kii May ayey la wareegeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida eedeysane Liibaan Faarax Cabdi oo ay markaas garsoorka ciidamada qalabka sida weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Xafiiska xeer ilaalinta oo isna isku howlay baaritaano kale oo dheeri ah ayaa ugu dambeyn maxkamadda weydiistay in la muddeeyo eedda ka dhanka ah Liibaan Cabdi Faarax 13-kii June bishii na dhaaftay.

15-ka bishii na dhaaftay ayaa loo ballamay fadhiga maxkamadda, waxaana dhinacyada dacwadda ee kala ah xeer ilaalinta iyo qareenada eedeysanaha si siman loo siiyey fursado ay ku soo bandhigi karaan doodaha la xiriira difaaca iyo cadeymaha dambi muujin iyo kuwa bari yeelaya eedeysanaha labadaba.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu isticmaalay awood laga baaqsan karay, waxa uu ka sheegay fadhiga maxkamadda in marxuumka uu qalad ka galay eedeysanaha laakiin in dacwad uu la tiigsada ay banaan tahay balse sabab uu u dilo aanu jirin mar haddii uu yahay military weliba ka wood roon Marxuumkii gaba-gabada u mareysay wax barashada dugsiga sare, sidaas darteed ayuu weydiistay garsoor in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen.

Qareennada u doodayey eedeysanaha ayaa dhankooda ku dooday in marxuumka uu u gafay marwada eedeysanaha oo waddada dhinaceeda mehrad yar ku laheyd, sidoo kalen marxuumka ayaa isku dayay in uu diido in uu saldhiga u raaco askariga, taasina ay keentay dhimashada marxuumka oo aan ku tala gal aheyn, sidaas darteed ayay maxkamadda ka codsadeen in loo naxariista Liibaan Cabdi Faarax.

Ugu dambeyn maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay maanta, waxa ayna ku xukuntay Liibaan Cabdi Faarax dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Maxamed Daahir Siyaad, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.