Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay duleedka magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadinkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan tuulada lagu magacaabo Retreat oo ka tirsan Cape Town.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen Cadow, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ganacsatada ku nool gudaha wadanka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka lagu dhex dilay gaarigiisa, xilli uu yiillay afaafka hore ee xaruntiisa ganacsiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray goobta, balse waxaa baxsaday raggii fuliyey dilkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa sii kordhayey werarada Soomaalida loogu geysto Koonfur Afrika, iyadoona haatan tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 20 qof oo la dilay maalmihii u dambeeyey.