Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamanayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Khayre iyo wafdiga uu horkacyo ayaa ka soo amba-baxay magaalada Dhuusamareeb, waxaana si diiran Garoowe ugu soo dhoweeyey madaxweyne Deni iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeyb-galaya aas qaran oo halkaasi loogu sameynayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, marxuum Xasan Abshir Faarax.

Sidoo kale Khayre ayaa inta uu joogo Puntland la kulmi doono madaxda sare ee maamulkaasi, isagoona kadib ku laaban doono magaalada Dhuusamareeb oo uu dhawaan ka furmayo shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Waxaa sidoo kale Garoowe ku sugan guddoomiyaha Aqalka Sare, madaxda dowlad goboleedyada iyo xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo ka qeyb-galaya aaskaasi.

Allaha u naxariistee marxuum Abshir Xasan Faarax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ayaa dhowaan ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana meydkiisa saaka laga dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo lagula tukaday salaada Janaasada, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), madaxweynayaashii hore iyo xubno ka tirsan golayaasha dowladda.