Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu dalka dib ugu soo laabtay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa waxa uu maanta digniin adag u diray dadka iska leh xarumaha madbacadaha ku yaalo Magaalada Muqdisho ee lagu daabaco waxyaabaha foojariga ah, waxa uuna Xeer ilaaliyaha ku goodiyay inay caqabad adag la kulmi doonaan dadkaasi.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in goobo badan oo lagu daabaco waxyaabaha foojariga ah ay ku yaalaan Magaalada Muqdisho, islamarkaana arintasi aan loo dul qaadan doonin.
Sidoo kale, isaga oo taasi ka hadlaaya ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay in Xarumaha qaar lagu daabaco, ID card dowladda iyo Shaabadaha dowladda ay isticmaasho, taasina wuxuu ku tilmaamay arin qalad ah oo sharciga aan waafaqsaneyn.
Xeer ilaaliyaha ayaa waxaa uu ugu baaqay Hay,adaha amaanka dalka qaabilsan si gaar ah Hay,adda dambi baarista CID in ay talaabo ka qaadaan dadka ku howlan falalkaas oo dhibaato ku ah Bulshada soomaaliyeed waxaana uu ugu goodiyay shirkada ka ganacsada sameynta Documentiyada been abuurka ah in ay cawaaqib xumo ay la kulmi doonaan hadaysan deg deg u joojin.
Dhanka kale, Dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladii dhexe waxaa soo badanaayay goobaha laga sameysto waxyaabha foojariga ah ee qaldan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]