XOG cusub: Xeeladdii ay DF ugala soo wareegtay Kenya Zakariye Ismaciil Xirsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan garoonka dayuuradaha Wajeer oo la socday sida wax u dhacayeen iyo dhaqdhaqaaqa wafdiga Dowlada ee loo xil saaray doonista iyo keenista Zakariye Ismaaciil iyo ilaaliyaashiisa qaaska ah, ayaa ka xog warramay sida ay wax u dhaceen.

Wafidga dowlada Somalia u dirtay arintan ayaa ka koobnaa 3 qof oo kala ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamanka, sarkaal Sare oo ka tirsan hey’ada Nanab-Sugidda iyo mas’uul kale oo aanan helin magaciisa iyo halka uu ka tirsanaa.

Maalmo ka hor waxaa soo baxay war-sheegayey in dowlada Kenya ay la wareegtay hogaamiye Zakariya Ismaaciil Axmed Xirsi iyo laba ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah, waxaase si weyn u beeniyey hayadda nabad sugida Somalia.

Si kastaba, wararka ayaa sheegaya in beeninta nabad-sugidda ee arrintan ay ahayd xelad ay ku iibsaneysay waqti ay dib ugula soo wareegto Zakariye, balse aanu shaki ku jirin in Zakariye ay xoog kula wareegtay dowladda Kenya.

Dayuurad milatari ayaa habeen iyo maalin kadib waxaa Zakariye lagu keenay magaalada Muqdisho iyadooo aan wax jirdil ah loo geysan.

Wafdiga dowladda oo watay diyaarad qaas ah ayaa go’doon ku ahaa garoonka ku dhowaad 3 cisho, intaasi oo ay dowlada Kenya ay meer-meerineysay una sheegtay in amaan ahaan garoonka diyaaradaha ee Ceelwaaq uusan aheyn mid la isku halyn karo.

Inkastoo Wafdiga dowladda loo diiday inay sameeyaan wax dhaqdhaqaaq ah ayaa waxaa u suurta gashay inay xiriro la sameeyaan saraakiisha iyo madaxda sare ee dowlada Somalia, kuwaasoo ay markasta la socodsiinayeen halka uu xaalku marayey.

Waxaa u cadaatay in Zakariye iyo saaxiibadii diyaarad milatari u qaaday goob aan loo cadeyn halkaasina dowlada Kenya dooneysay inay u gudbiso dhanka magaalada Nairobi.

Waxaa markii danbe wadahadal dheer iyo xiriiro wafdigu ay la sameeyeen labada dowladood uu ku dhamaaday in la isku afgarto in Zakariya Ismaaciil Axmed Xirsi iyo saaxiibadii dib loogu celiyo Gacanta dowlada Somalia.

Habeen iyo maalin ka dib ayaa diyaarad milatari Wajeer keentay waxaana isla markii lagu wareejiyey Zakariya Ismaaciil Axmed Xirsi wafdigii ku sugnaa magaalada Wajeer ee ka socday hay’ada NISA (Nabad-Sugidda) iyo dowlada Somalia.

Dhowr maalmood ka dib wafdiga Zakariye waxaa u suurta gashay inay ka soo dagaan garoonka Muqdisho, taasoo la sheegay in saxaafada loo diiday, waxaana gacanta ku heysa heyada Nabadsugida Iyo sirdoonka Somaliyeed ee NISA.

Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Somalliyeed, ayaa la filayaa in dhawaan ay faahfaahin rasmi ah ka soo saarto arrinta.

Ugu dambeyntii keenista magaalada Muqdisho ee Zakariya Ismaaciil Axmed ayaa noqoneysa guul weyn oo ay soo hoyeen wafdiga dowlada Somalia waxayna u muuqataa in ay qabteen howlgal aan dhiig ku daadan soona hoyeen sharaf u muuqata in dowladu tahay mid mas’uuliyadii looga baahnaa gudatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com