DFS oo soo kireesatay diyaarad ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa keestay diyaarad ay kula dagaallanto kalluumeesiga sharci darrada ee xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeesiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxammuud Colaad Barrow ayaa V0A-da u sheegay in diyaaradaas ay soo sawiro doonto calanka iyo waddanka ay wataan maraakiibta iyo doonyaha kalluumeesiga sharci darrada ka wada xeebaha Soomaaliya isagoona intaas ku daray in ay ciddii lagu qabto sharciga la soo taagi doono.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in maamul gobaleedyada ka dhisan dalka in lagu wargaliyay arrintan ay billaabeyso wasaaradiisa.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha ay soo kordhin karto diyaaradda ay soo kireesteen wuxuu sheegay haddii 50% kalluumeesiga sharci-darrada la joojiyo ay faa’ido u tahay Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka waxaa kaloo uu ka dhawaajiyay in Soomaaliya 23-sanno kaddib ay ku biirtay urur ay ku mideesan yihiin waddamada ay marto badweynta Hindiya kuwaasoo sameestay ilaalo gaar ah oo ka hor taga kalluumeesiga sharci-darrada ah.

Ma la weydiiyay bal in ay hayaan xog ku aadan kalluumeesiga sharci-darrada ee xeebaha Soomaaliya laga sameeyo inta uu la egyahay wuxuu tilmaamay in uu ku qiyaasayo 300 kun oo tan oo an kalluun nooc kasta ah.

Ma cadda sida ay arrintan u soo dhaween doonaan maamul gobaleedyada dalka ka dhisan sida Puntland iyo Somaliland oo hadda u muuqda kuwa ka awood badan dowladda reer galbeedka awoodeeda uu ku kooban yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com