Danjire Ameeriko oo 22 sano kaddib la kulmay ninkii dilay gabadhiisa balse…

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ka sheekeeyey dhacdo xanuun leh oo qabsatay, taasi oo ah dilka gabadhiisii yareyd.

Mr. Ameeriko, ayaa bartiisa facebook, waxa uu soo dhigay inuu dhowr iyo labaatan sano kaddib Muqdisho ku arkay ninkii dilay gabadhiisa, oo isaga uusan aqoon, balse ugu yimid xeebta Liido ee Muqdisho.

Ameeriko, waxa uu yiri:- “Galabta anigoo shaah ka cabaya Maqayad ku taal Lido, ayaa waxaa ii yimid nin, wuxuu igu yiri “waan ku raadinayay maalmahaan, waxan rabaa inan wax ku sheego kaddibna wax kaa codsado.”, haye ayaan ku dhahay. Wuxuu yiri” waxaan ka imid oo layga soo tarxiilay Sacudiga oo aan ku xerna 21 sano, 1992dii aniga iyo wilal ayaa guriga Aabaha soo weerarnay, lacag iyo alaab badan baan ka dhacnay, lacagtaas ayaan qaybsanay oo aan Sacudiga ku aaday, Laba ka mid ah wilashi waa la dilay. Waxan maqlay in Gabadh aad dhashay oo jirtay Hal sano ka yar ku dhimatay markan guriga soo weerarnay, Allaha u naxaristo, walaalow waxaan kaa codsanayaa inaad i CAFISO.” Aad baan u carooday, gabadhaydi yarayd ayan soo xasustay, haddana waan is dejiyay, haduuba gartay inuu i horyimado oo cafis i waydisto, waxan ku dhahay “WAAN KU CAFIYAY.”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com