Xog dheeri ah: Sababta Sambaloolshe looga qaaday safiirnimada & N/Sugida

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya wararka la xiriira Xil ka qaadista Aggaasimihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe iyo sababta ka danbeysay in laga qaado Xilka safiirnimo Somalia ee Dalka Britain.

Caasimada Online oo heshay macluumaad dheeri ah, ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu xilka Safaarada Somalia ee dalka Britan ku waayay kadib markii uu dhaleeceeyey dowladda Britain, sababo la xiriira go’aankii uu bankiga Barclays ku joojiyey lacagta xawaaladaha Soomaalida.

Waxaa warbixinta daabacay wargeyska The Independent ee kasoo baxay Britain sanadkii hore. Halkan ka aqriso

Inkasta oo The Independent uusan sheegin in dhaleeceynta Sanbaloolshe aysan hogaamin in xilka laga beddelo, oo uu daabacay kaliya dhaleeceeentiisa, haddana waxaa hadda soo baxaya intaasi ay ugu wacneyd sababihii ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareejisay Muqdisho.

Sidoo kale, Taariikhdu markii ay aheyd September 07, 2014 C/llahi Sanbaloolshe waxa uu xilkiisa Aggaasinimo ee Hay’adda Nabadsugida qaranka ku waayay Aflagaado xili uu socday shir Ammaanka ah u geystay Ra’isul wasaare ku-xigeenka DFS Mr Ridwaan kadibna uu ku darey Ra’isul wasaaraha iyo Xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada oo goobjoog  ka ahaa Kullankaasi.

Waxyaabaha uu xilkiisa Aggaasinimo ku waayay ayaa waxaa sidoo kale, kamid ahaa Howlgalo lagu xaqiijinaayay Ammaanka Magaalada Muqdisho oo uu si qaldan u adeegsaday iyo xarig uu u geystay Xildhibaan ka tirsan DF.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa kasoo horjeestay in xilka laga qaado C/llahi Sanbaloolshe,  waxa uuna Xasan ku doodayaa in Sanbaloolshe uu yahay shaqsi aan mudneyn in xiligaani laga qaado xilka Aggaasinimo.

Xil ka qaadista Aggaasimaha ayaa waxaa sidoo kale, ka dhashay Khilaaf saameeyay xiriirada ka dhexeeya Madaxweyne Xassan, Ra’isul wasaaraha, Baarlamaanka ilaa heer Gole Wasiiro, waxaana taasi la sheegay inuu sabab u yahay Sanbaloolshe.

http://www.independent.co.uk/news/world/africa/somali-ambassador-condemns-uk-over-cash-restrictions-8861314.html

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com