Faysal Cali waraabe oo weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheikh (Muxuu yiri?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Eng Faisal cali waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID oo qoraal gaaban kusoo daabacay Barta uu baraha Bulshada ee facebook ku leeyahay ayaa waxa uu ku sheegay inuu aad u dhaliilaayo Faragalin uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku haayo maamulka Somaliland.

Faisal Cali waxa uu qoraalkaasi ku muujiyay in Madaxweyne Xassan uu ku naaloonayo faragalin uu ku sameeyo Kheyraadka Deegaanada Maamulka Somaliland sida shidaalka iyo Macdanta.

Qoraalka Faisal Cali ayaa waxa uu u qornaa ‘’Xasan sheekh waxaan leeyahay haku mashquulin Somaliland ee dal ayaa madaxweyne u tahay isaga ku mashquul waxba kaama khuseeyaan khayraatka Somaliland haday shidaal tahay iyo haday macdanba tahay iyagaa la soo baxaaya aynu kala xishoon laba dal oo daris ah ayaynu nahay xushmad iyo xaqdhow kala mudan faragalinta Aad wadidna jooji raali galina ka bixi’’

Haddalka Eng Faisal Cali, ayaa waxa uu dabajooga haddalo maalmahaani ay DF hawada u marineysay Maamulada Dalka oo iyagu ku mashquulsan qodista shidaal aan loo amrin inay lasoo baxaan.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore uga digtay Dowlada Federaalka inay faragaliso howlaha ka socda Deegaanada Maamulka Somaliland uu ka arrimiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com