Xasan, C/Weli iyo BF oo ku xadgudbay qodobbo muhiim ah + Jahwareer jira

Maanta waxaan soo xulanay inaan shacabka usoo bandhigno isku qasnaanta Dastuurka federaalka Soomaaliya oo haatan loo saaray guddiga ka kooban 5-ta xubnood inuu qabyo tiro, Dastuurkaan qodobadiisa inta badan waa iska hor imaanayaan, qodobada qaar waxaa ay u qoran yihiin qaab koox kastaahi ka heli karto meel ay ka isticmaali karaan ama ku doodi karayaan. Dastuurkaani waa midka rasmiga ah ee ku jira website-ka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo aad ka geli kartaan link-gaan hoose.

http://www.parliament.gov.so/index.php/so/dastuurka-km

CUTUBKA AFFAR IYO TOBNAAD: NABADDA IYO AMNIGA

Qodobka 126aadSuggidda Amniga Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

(1) Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidammada amniga oo ay ku jiraan:

(a) Ciidanka xoogga dalka;

(b) Nabadsugidda;

(c) Ciidanka booliska;

(d) Ciidamada Asluubta.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Xukuumada Federaalka ee Raisul wasaare Cabdiweli hogaamiyo iyo Wasaaradaha gaashaandhiga iyo Amniga miyey damaanad qaadeen Nabadda, Gobanimada iyo Amaanka qaranka iyo badbaadinta shacabka? Mise xukumaan ciidamada Dawlad Goboleedyada Soomaaliya? Ciidanka Xooga, Nabadsugida, Booliiska iyo Asluubta ma mideysan yihiin dalka Soomaaliya? Mise jirtaa Siyaasad lagu mideynayo oo ay wado Xukuumadda Federaalka Soomaaliya?

(2) Adeegsiga ciidamada amniga waxaa lagu suggaya sharciga loo dejiyey.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Sharcigaan loo dejiyey Adeegsiga Ciidmadu muxuu yahay? Ma sharci la isla og yahaybaa mise waa albaab furan oo qofba siduu doono u isticmaalayo.

(3) Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Dalka iyo difaaca midnimada dhuleed.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo u xilsaaran Gobanimada, Madax banaanida iyo Difaaca midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya ma dhisan yihiin? Mise jirtaa qorshe lagu samaynayo Ciidamada qalabka sida oo mideysan ee ay wado Wasaaradda Gaashaandhiga?

(4) Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Ma jiraa Booliis Federaal ah oo mideysan oo hoostaga Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Amniga ee laga sugayo inay ilaaliyaan Amaanka, Hantida, Nabadgelyada Muwaadiniinta iyo dadka kale ee degan Jamhuuriyada Federaalka soomaaliya? Booliiska Dawlad Goboleedyadu ma yihiin kuwo hoos taga Taliska Booliiska Soomaaliya?

(5) Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalkayada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iyagoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska federaalka.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Qodobkaan 5-aad iyo Qodobka 4-aad ee ka hadlaya Booliiska Soomaaliyeed masuuliyada saaran ma yihiin kuwo is waafaqaya?

Hadiise Dawlad Goboleedyadu samaysan karaan si sharci ah Booliis gaar ah oo ilaaliya amniga Nolosha  Muwaadiniinta, hantida iyo dhawrista xasiloonida deegaanada Dawlad goboleedyadu iyaga oo kaligood ah! Maxaa looga baahan yahay Booliiska Federaalka Soomaaliya oo ku xusan qodobka 4-aad mar hadii Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka sameynsan karaan Booliis u gaar ah?

(6) Hay’adaha amniga qaranka oo ah kuwa hubka sita waxaa kormeeraya oo koontaroolaya hay’adaha rayid ah.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Hay’ado Amni Qaran iyo Hay’ado Rayid ah oo kormeeraya oo aan la cadeyn ma u noqon karaan Dastuur dal dhan?

Qodobka 127aadMabaadi’ida Ciidamada Amniga

(1) Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota:

(a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;

(b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;

(c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

(d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan;

(e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo

(f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qayb ka tahay.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Ciidamada Amniga Soomaaliya ma yihiin kuwo ku shaqeeya Mabaadii’da Ciidamada Amniga ee kor ku xusa? Ciidanka Amnigu ma yahay mid mideysan sida ciidamada Amniga ee ku kala sugan Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo, Beledweyne, Baydhabo, Dhuusamareeb  iyo Gobolada kale ee kala hoostaga Dawladdaha Xubnaha ka ah Dawladda federaalka Soomaaliya?

(2) Muwaadin kasta oo Soomaali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn , iyadoo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta.

XAQIIQADU MAXAY TAHAY:

Miyuu jiraa oo Xukuumadda Federaalka iyo Baarlamaanka federaalku xaqiijiyeen jiritaanka Ciidamo qaran oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u siman yihiin? Xukuumadda Cabdiweli iyo Baarlamaanku ma sameeyeen Siyaasad lagu mideynayo Ciidanka qaranka?

Qodobada Dastuurkaan ayaa ah mid aad isugu qasan, Xukuumadu aysan ku shaqeynin, Baarlamaanku uusan sixin qodobada iska hor imaanaya.

Sharciyada baarlamaanku ansixiyey ee aad ka arki kareysaan link-gaan website Baarlamaankahttp://www.parliament.gov.so/index.php/so/sharciyada-la-ansixiyey  ma yihiin kuwo lagu dhaqmo oo xukuumadu hirgeliso?

Sharciga Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Xukuumadu ma ku shaqeysaa? Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka oo Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha wada saxiixaan ma yihiin kuwo waafaqsan Sharciga Maamulada Gobolada ee ku jira Diiwaanka sharciyada la ansixiyey ee Baarlamaanka? Maxaa Sharci ah ee ay ku dhisan tahay aqoonsigii Maamulka KMG ah ee Juba? Maamula Koofur Galbeed iyo Maamulka Mudug iyo Galgaduud ee dawladu u saartay guddiyada Farsamada?

Dastuur dalka Soomaaliya ma waxaa lagu daray qodob sheegaya  inuu  heshiiskii ay  wax ka saxiixaan wakiilka UNSOM Somalia Nicholas kay, Wakiilka Midawga Yurub Mr Michele Cervone D’urso iyo Wakiilka IGAD Soomaaliya Mr Mohamed Cabdi afey uu noqonayo Sharci iyo lagama daba hadlaan?

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com