SOMALILAND oo si adag uga hadashay war dhawaan kasoo yeeray DF (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay xafiiska Taliyaha Laanta Socdaalka Maamulka Somaliland G/sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Camabaro) ayaa waxaa si adag loogu beeniyay war kasoo baxay Dowlada Federaalka Somalia.

Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Camabaro, ayaa waxa uu si adag uga hadlay warka ku saleysan Basabaaro lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo la sheegay in Hargeysa loo waday, waxa uuna Taliyaha Tilmaamay in xiligaani Somaliland ay leedahay Baasabooro iyada u gaar ah, islamarkaana aysan diyaar u aheyn qaadashada Basaboorka Somaliya.

Taliyaha Laanta Socdaalka Maamulka Somaliland Maxamed Camabaro, ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland tahay dalka Madax banaan oo aan hoos tagin Somaliya, balse ay Dowlada Federaalka Somalia ugu baaqayaan inay ka fiirsato wararka ay dusha u saareyso Somaliland.

“Aad ayan uga xunahay warka kasoo baxay Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS ee ahaa in Basaboorada Muqdsiho lagu qabtay ee la yiri waxaa  loo waday Hargaysa, garan maayo sabab loogu soo waday, maxa yeelay Somaliya waa dal, Somaliland waa dal wax iskaga jiraana ma jiro’’ ayuu yiri Taliye Maxamed Camabaro

Maxamed Camabaro oo intaa hadalkiisa kasii anbaqaadayay ayaa waxa uu yiri ‘’Haddalka DF kasoo baxay waxaan u arkaa Basaboorka Somaliya inuu yahay Saanbuuse laga eedamay, maxaa yeelay Somaliland hadda waxa ay leedahay Basaboor u gooniya, oo E Basaboor la yiraahdo’’

“DF waxan u sheegayaa in Somaliland ay tahay dal nabad ah oo uu shacabkiisu isku tashtay marka waxaa looga baahan yahay inay caga dhigato oo ay joojiso daan-daansiga’’

Dhanka kale, Haddalka Taliyaha ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor uu Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS Gen. Gaafow shaaciyay in Garoonka Aadan cadde ay ku qabteen ruux waday dhowr Baasaboor Somalia ah ‘’cagaar’’ oo loo waday magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com