Prof. C/raxmaan Ibbi: Doorasho xog ah kama dhaceyso Soomaaliya, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – 10-ka September oo shaley ku beegneed waxaa labo sanno ka hor magaalada Muqdisho lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud oo ah madaxweynaha immanka hoggaaminaya dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Haddaba wax yaabaha laga doonayo dowladda hadda jirta waxaa ka mid ah in marka uu sannadka yahay 2016-ka ay doorasho ka dhacdo dalka oo dhan.

Dad badan ayaa arrintaas shakki weyn ay uga jirtaa waxaana ay lee yihiin sida ay hadda wax u socdaan iyo rajada laga qabo doorasho ka dhacdo dalka ma ahan wax isleh.

Pro Cabdiraxmaan Ibbi waa mudane baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan isla markaana xilal ka soo qabtay dowladihii kumeel gaarka ee dalka soo maray, wuxuu sheegay in marka uu qiimeeyay xaaladda dalka sida ay wax ku socdaan in aysan muuqan doorasho dhacdo sannadka marka uu yahay 2016-ka.

Wuxuu sheegay doorasho Soomaaliya ka dhacda in ay ugu dambeesay sannadkii 1961-xilligaas oo la dilay madaxweynihii hore Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa isna aaminsan in dowladda Soomaaliya ay qabatay wax yaabo horrumar leh labadii sanno ee la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta in dowladda ay horrumar ka gaartay labadii sanno ee ay jirtay sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa yiri “Aadduunka meel aan wax ka dhicin ma lahan marka dowladda horrumar ay sameesay labadii sanno ee la soo djaafay”

Si kastaba, waa lagu kala aragti duwan yahay wax yaabaha u qabsoomay dowladda labadii sanno ee ay jirtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com