Dhageyso: ONLF oo u jawaabtay GAAS

Nairobi (Caasimada Online) – Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF, ayaa jawaab ka bixisay hadalkii madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdi Weli Gaas kasoo yeeray ee ahaa in ONLF ay tahay cadowga maamulkiisa.

Jabhadda ONLF, ayaa gabay cajiib ah soo saartay uguna jawaabtay Gaas, oo ay ku qeexday daba-dhilif is-jecleysiinaya kuwa uu u adeego ee ah dowladda Ethiopia.

“Ma ahan asaga oo kaliya ee waa wax caado u ah kuwa caada-qaatayaasha ah, oo marka ay u tagaan kuwa ay u adeegaan sammeeya wax kasta oo ay isku jecleysiin karaan” ayuu yiri sarkaal u hadlay ONLF.

ONLF waxa kale oo ay sheegtay in hadalka Gaas uusan ahayn mid yaab leh, sababta oo ah magaalada Garoowe oo weligeed ahayd halkii laga iib geyn jaray walaalaha Ogaadeeniya ee kasoo carara gummaadka xabashida.

Halkan ka dhageyso gabayga ONLF

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com