DF Soomaaliya oo ka hadashay heshiiska dekadda BERBERA

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay heshiis wada gaaren Maamulka Somaliland iyo Shirkada Dubai Port World oo lagu maalgalinayo dekedda magaalada xeebeedka Berbera, ayaa waxaa Heshiiskaasi waxkama jiraan ku sheegay dowlada Somalia.

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo u waramaayay Idaacada VOA-da, ayaa sheegay in Heshiiskaasi lala baalmaray dowlada Somalia, isla markaana uu yahay mid aan sharci aheyn.

Hanti dhowrka waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu ka hor imaanayo Habkii dhaqan dhaqaale ee u degsanaa Qaranka Somalia, sidaa darteedna uusan waxba ka jirin.

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Somalia ay hal tahay isla markaana ay leedahay hal calan iyo hal Baasaboor, sidaa aawgeedna aysan dhicikarin heshiis aan lasoo ogeysiin oo maamul ka tirsan dowlada uu la galo dowlad kale.

Hanti dhowrka waxa uu sababta diidmada Heshiiskaasi ku sheegay inuu yahay mid aysan ka muuqan danta Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay in Heshiiskaasi gabi ahaantiisa uusan sharci aheyn isla markaana uusan shaqeyn doonin.

Waxa uu sheegay in Heshiiska noocaani ah uu yahay mid lagu boobaayo Hantida Qaranka sidaa darteedna uusan uga raali noqon doonin in lagu dheelo shaqada uu u hayo Qaranka.

Waxa uu intaa raaciyay in hesiiskan uu ku kacaya malaayiin dollar oo aan la ogeysiin dowlada, isla markaana sharci ahaan ay xaq u leeyihiin inay hakiyaan arrintaani lagu kala saxiixday Heshiiska Dekadda Berbera.

Mar wax laga weydiiyay sababta ay Xukuumada Somalia uga hadli weysay ayaa waxa uu Hanti dhowrku sheegay in shaqadaani ay tahay mid isaga khuseysa isla markaana wax laga weydiin doono.

Haddalka Hanti dhowrka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Golaha wakiilada Somaliland ay ansixiyeen heshiis ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Shirkada Dubai Port World oo lagu maalgalinayo dekedda magaalada xeebeedka Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com