Madaxweyne ku-xigeenka Ahlu-Sunna oo dhaawac uu soo gaaray

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Ahlusunna ayaa sheegaya in Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca uu ku dhaawacmay shil gaari.

Wararku waxa ay sheegayaan in shilkaasi uu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, waxaana shilkaasi ku dhaawacmay xubno tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna oo uu ugu horeeyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Xasan Maxamed Warsame.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa sidoo kale la dhaawacmay Seddex kamid ah ilaaladiisa oo laba kamid ah dhaawacooda uu yahay mid culus, sida aan wararka ku helnay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xiliga uu shilka dhacaayay kasoo ambabaxay Degmada Guriceel, waxeyna ku sii jeedeen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta maamulka oo u waramaayay idaacada SMN ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Madaxweyne ku-xigeenka uu yahay mid aan sidaa usii darneyn, isla markaana iminka lagu dabiibaayo xarumaha caafimaad ee hoostaga maamulka.

Ma jirto faahfaahin kasoo baxday maamulka oo ku aadan sida uu shilka u dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com