Hadliye oo sifeeyay qaabka uu noqon doono shirka IGAD ee muqdisho ka dhici doona

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada xukuumada Somalia C/salaan Cumar Hadliye, ayaa si qoto dheer uga hadlay shir Madaxeedka urur goboleedka IGAD ee Bisha soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wasiir Hadliye waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay wakhtigaan la joogo diyaar u tahay inay qaabisho Madaxda la filaayo inay ka qeybgali doonaan shirka.

Hadliye waxa uu sheegay in DFS ay awood u leedahay in shirka ay ku qabato magaalada Muqdisho, waxa uuna intaa ku daray in qaabka ay wax u wadaan ay tahay qaab wanaagsan.

Hadliye ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta Madaxda urur goboleedka IGAD oo la filayo Magaaalada Muqdisho in ay soo gaaraan 5-ta Bisha September.

Sidoo kale, Hadliye waxa uu cadeeyay in guul ay ka gaari doonaan shirka la filaayo in magaalada Muqdisho ka dhaco.

Shirkii Madaxda urur goboleedka IGAD ee dhowaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay ka mid ahaa in shirka soo socda ee urur goboleedka IGAD lagu qabto magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com