Arag sawir: Xasan Sheikh iyo Gen. Gabre oo ku shaahaya Jigjiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jigjiga si wada jir ah ugu qaxweeyay mas’uuliyiin ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha DDSI iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaxweynta mas’uuliyiintaani ayaa waxa ay ka dhacday Hoteel City Crown ee magaalada Jigjiga, waxaana qaxweyntaasi qeyb ka ahaa ninka sida weyn dowlada ethiopia uga caawiyo iska horgeynta Soomaalida Gen. Gabre.

Gen. Gabre ayaa kamid ah ragga sida gaarka ah u maamusha maskaxda Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana xusid mudan in socdaalka Xassan ee magaalada Jigjiga uu ka danbeeyay Gen. Gebra isaga oo Madaxweynaha ku dhiirigaliyay in Booqasho taariikh ah ku maro dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ethiopia.

Gen. Gabre oo inta badan ka dhuunta sawirada ayaa waxaa iminka inoo suuragashay inaan helno Gebra oo la qaxweynaaya Xassan Sheekh iyo Cabdi iley.
Jigjiga,