DFS oo ka hadashay heshiiska la dhex dhigay beelaha Habar-Gidir & Biyamaal

Afgooye (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiis la dhex dhigay beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal.kuwaasoo ku dagaalamay deeganno hoos-taga gobalka Shabeellaha Hoose.

Siihayaha xilka wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin hirgalinta heshiiska labada dhinac ay shaley gaaren.

Wuxuu sheegay in labada ciidan la kala geeyay deegannada Carbiska iyo Ceel-Jaale oo dhammaan ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maanta oo Isniin ah ay hirgalin doonaan siddii gobalka looga qaadi lahaa isbaarooyinka yaala oo lagu qaado lacago baad ah.

“Sheley ayaan gobalka nimid, waxaana aan kala qaadnay ciidamadii dagaalamay, waxaa maanta hirgalin doonaa qajiga labaad oo ah in aan la dagaallanno kooxaha isbaarooyinka u yaalaan arrintaas waa ay soo noqnoqotay 22-kii sanno ee la soo dhaafay, balse sida uu madaxweynaha uu sheegay askari la arko isagoo isbaaro dhiganaya waa la tooganayaa, dowladda waxaa ka go’an in ay la dagaalanto oo ay gacan bir ah ku qabato kooxahaas” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa la weydiiyay dagaal shaley ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray Xaafadda Mukayga ee degmada Afgooye, wuxuuna sheegay in la isku qabsaday bar control oo lacago baad ah looga qaado baabuurta dadweynaha mana yeeli doono ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka

Caasimada@live.com