RW Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah ka helay dhiggiisa Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaa uu dhambaal uu ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Ardugaan .

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ayaa soo dhaweeyay magacaabista ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya wuxuuna sheegay in uu sii xoojin doono xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya iyo saaxiibnimada ku dhexeeya labada ummadood.
Mudane Ardugaan ayaa sidoo kale dhanbaalkiisa hanblayada ah ku sheegay in uu filayo in xukuumadda uu hoggaamin doono mudane Cabdiweli Shiikh Axmed ay noqon doonto mid ku guuleysata hawlaha qaran ee loo igmaday iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba in ay noqoto mid beesha caalamka kala shaqaysa sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa dalka Soomalaiya

Ugu damayntii waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Turkiga mudane Rajab Dayib Ardugaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay sii wadayso dadaalada dib loogu dhisayo Soomaaliya, isagoo caddeeyey in ay ka go’an tahay in xilliyada soo socda ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

Waa dhambaalkii labaad oo muddo 24-saac uu ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed uu ka helo madaxda caalamka, waxaa ka horreeyay ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo isna farriin hambalyo u soo diray dhiggiisa Soomaaliya.

Turkiga iyo Ethiopia waxa ay ka mid yihiin waddamada xiriirka fiican la leh dowladda hadda jirta oo ah mid rasmi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com