RW Somalia oo farriin hambalyo ah ka helay dhiggiisa Ethiopia

Addis Abaab (Caasimada Online)-Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Ethiopia,Hailemariam Desalegn  waxa uu ra’iisal uu warqad habmyo u soo diray ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed xilka loo magacaabay iyo ansixinta baarlamaanku maalintii Sabtida ee toddobadkan.

Mr. Hailemariam ayaa u rajeeyay ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya in uu ku guulaysan doono howlaha ballaaran ee hor yaalla xukuumaddiisa.

Wuxuu sheegay oo kale ra’iisal wasaarah Ethiopia in uu filayo in Cabdiweli Sheekh Axmed uu sii xoojin doono xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal.

Ugu dambeyn wuxuu rajeeyay ra’iisal wasaarah cusub iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed kuwa hela nabad iyo horrumar.

Halkan hoose ka akhriso warqada uu soo diray ra’iisal wasaaraha Ethiopoia iyadoo ku qoran Af Ingiriis

 

Qoraal_Hambalyo_ah_R_W_Itoobiya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com