Waa siddee xaaladda Soomaalida ku nool K/Suudaan iyo war cusub?

Juba (Caasimada Online) Xaaladda Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfurta Sudan ayaa laga deyrinayaa,kaddib markii dagaalka ka socda dalkaas uu sii baahay.

Goobo ganacsi oo ay lee yihiin Soomaalida ayaa la boobay, waxaana sidaas sameeyay dad ku nool dalka Koonfur Afrika.

Xasan Dhaqane Cumar oo ah guddoomiye ku xigeenka ganacstada Soomaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u sheegay in Soomaalida ku dhaqan magaalada Bore e gobalka Jongalii ay hadda ku xayiran yihiin xarun QM ay lee dahay, halkaasna dhibaatooyin ay ku heestaan.

Wuxuu shegeay 80% ganacsigii Soomaalida ay ku lahaayeen magaalada Bor in la dhacay oo wax ka badbaaday aysan jirin.

Wuxuu sheegay oo kale ganacsadahan in Soomaaliga ganacsigooda uu u badan yahay, Shidaal, Bagaash iyo goobo xawaalado oo ay lee yihiin.

Ganacsadahan ayaa la weydiiyay mar haddii xaaladda Koonfurta Sudan ay sii xumaaneyso wax yaabaha u qorsheesan?

Wuxuu sheegay in aysan ogeyn meel ay aadaan, cid ka war qabtana aysan jirin, wuxuu sheegay oo kale waddamada caalamka in muwaadiniintooda ay kala baxayaan Koonfurta Sudan, balse iyaga cid u imaaneysa oo ka daadgureenaya dalkan aysan jirin.

Waxaa la sheegaa Soomaalida ku nool Koonfurta Sudan in tiradooda ay u dhexeyso 8 ilaa 10kun oo qof, waxaana ay u badan yihiin ganacsato qaar kood ka yimid waddamada Yurub iyo Maraykanka.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma jirto wax ay u qabatay Soomaalida ku go’doonsan dagaalada ka socda dalka Koonfurta Sudan.

Kumanaan ajaanib iyo dad u dhashay dalkaasi ayaa weli waxa ay baaqi ku yihiin saldhiga Qaramada Midoobay, iyagoo uu cabsi qaba noloshooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

Caasimada@live.com