25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

DF oo magacawday maamul laga cabsanayo in dagaal uu sababo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay Guddoomiye cusub kadib markii xilka laga qaaday kii hore.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Buula-burte, ayaa waxaa lagu magacaabaa Xassan Nuur Maxamed oo badali doona guddoomiyihii hore C/siis Duuroow.

Guddoomiyihii hore ee Degmadaasi C/siis Duuroow, ayaa lasoo warinayaa inuu ka biyo diidan yahay in xilkaasi laga qaado waxaana jira warar sheegaya in Khilaaf xoogan uu halkaasi ka taagan yahay.

Maamulka cusub ee talada la wareegaaya ayaa waxaa kamid noqon doona mas’uuliyiin Degmadaasi aad looga yaqaan kuwaasi oo uu kamid yahay Axmed Cabdi Weheliye.

Axmed Cabdi Weheliye, ayaa waxaa loo magacaabay Guddoomiye Xigeenka Dhinaca Ammaanka Degmada, halka Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyadana loo dhiibay Liibaan Cabdi Burusoow.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta xilkaasi laga qaaday ayaa waxaa kamid ahaa Duqii Buula-burte, Cismaan Geedi, waxaana loo magacaabay xilka Duqa Degmada, Cali Cumar Rooble.

Khilaaf adag ayaa ka taagan maamulka cusub waxaana wareejinta xilkaasi ka biya diidan maamulkii hore ee Degmada.

Xaalada Siyaasadeed ee Gobolka Hiiraan ayaa ah mid alowsahal ah, waxa uuna khilaafkaani noqonayaa mid aad looga hadal hayo Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News