Document: Liiska sida qabiilada u kala heleen xildhibaanada 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay dokumenti muujinaya habka beelaha Soomaalida loogu qeybiyey xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya loo dhisayo sanadkan.

Warqaddan ayaa ah heshiiska ay madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ku gaareen shirarkii ay ku lahaayeen magaalada  Muqdisho.

Hab qeybsiga xildhibaannada ayaa waxaa lagu salleeyey hab maamul goboleed iyo deegaan, balse waxa lagu jaangooyey hab qabiil ama nidaamka 4.5, wuxuuna si isku mid ah u siinayaa afarta beel ee loo yaqaan 4 xildhibaanno isku mid ah, halka beelaha .5 ay helayaan bar.

Waxaa yaab leh in gobolka Banaadir ay kasoo galayaan 7 xildhibaan, balse aanu ku jirin hal xildhibaan oo Abgaal ah, taas oo muujineysa in hab qabiil wax lagu qeybiyey balse la goboleeyey, taasi oo lagu qanciyey Michael Keating iyo beesha caalamka.

Hoose ka arag warqadda habka awood qeybsiga.

ga1ga2g13ga4