Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay maanta oo Isniin ah hey’adda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qariyeen fal kufsi oo ay ku kaceen ciimo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda ay ugu baaqday dowladda inay ka warbixiso kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geestay gabar Sooomaaliyeed oo xaas ah oo ay kufsadeen ciidamada AMISOM bishii August ee sannadkan.
Hey’adda ayaa sheegtay in dowladda ay guddi u saartay xadgudubka loo geestay haweeneydaas balse ilaa hadda waxba lagama hayo guddigaas ayey sheegtay hey’addu.
HRW ayaa sheegtay in haweenaydan oo wadatay ilmo yer xoog ay ku wadeen ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo u geeyay ciidanka AMISOM dabadeedna waa ay kufsadeen.
Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay in falkaas oo dhacay 9-kii bishii August ee sannadkan 2013- ay ka soo wareegatay seddax bil ilaa haddana dowladda aan wax cad aysan u soo gudbin dadka shacabka.
Madaxa xuquuqda aadanaha dumarka ee HRW Liesl Gerntholtz,ayaa sheegtay in dowladda looga baahan yahay in wax ka qabato falalka kufsiga ee dhaca Muqdisho.
Ugu dambeen HRW ayaa dowladda ka cosatay in la joojiyo xadgudubka ka dhanka ah bini’aadinimada gaar ahaan kuwa ay geestaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
AMISOM waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ku dhow 18,000 oo askari kuwaasoo ka socda waddamada Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone iyo Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi