Muqdisho (Caasimada Online) Wariyaasha ku nool magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa lacago ay soo direen waxaa maanta la siiyay ehelka iyo xaasaska uu ka tagay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo dhawaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarr kooxo hubeysan ay u geesteen.
Abwaan Cabdulaahi Cismaan Guure oo ah aggaasimaha Idaacadda maxaliga ee Kulmiye iyo Cabduqaadir Faarad Dulyer oo ah wakiilka TV-ga Kalsan ee Muqdisho oo lacagtaas loo soo wakiisahay ayaa gacanta ka saaray ehelka Tima-Cadde.
Abwaan Guure oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in lacagtan oo dhan 4-kun iyo lixdan iyo labo oo dollar,ay soo dhiibeen wariyaal Soomaali ah oo ku nool magaalada London.
Wuxuu sheegay in wariyaashaas ay aad uga xumaadeen dilka Marxuum Tima-Cadde.
Lacagtan ayaa loo qaybiyay xaasas uu qabay marxuumka iyo kuwa ay kala tageen oo ilmo u hayay, waxaana ay u mahadceliyeen wariyaashii soo dhiibay lacagtaas.
Marxuum Tima-Cadde, ayaa ka mid ahaa tira wariyaal ah oo lagu dilay Muqdisho sannadkan, kuwaasoo ay dileen rag aan heybtooda lagan.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan ee saxaafadda ka howlgasho aduunka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

