DFS oo shaacisay inay gudbisay Jawaabihii Muranka Badda ee kala dhexeeyay KENYA

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay gudbisay Jawaabihii laga sugaayay ee ku aadan dacwadda Badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya.

Dowladu waxa ay sheegtay in dhamaan jawaabihii laga sugaayay ay u gudbisay qaabkii loogu tallo galay, isla markaana waxa ay sugeyso ay tahay keliya inay guul uga soo hoyato dacwada.

Axmed Cali Daahir, Xeerilaaliyaha Qaranka oo gudbinta Jawaabta ka hadlaayay ayaa sheegay in Maxkamada caalamiga ay u gacan galiyeen Jawaabta oo dhan waliba ka dhameysan.

Xeerilaaliyaha Qaranka, waxa uu sheegay in hadda uu bilowday waji cusub oo ah in dowladaha Somalia iyo Kenya cid walba ay la imaado wixii dukumiinta ah oo ay ku doodeysay, waxa uuna tilmaamay in Somalia keliya ay u doodeyso xaqeeda qura.

Xeerilaaliyaha Qaranka, waxa uu cadeeyay in labada dalba iminka uu u bilaabanayo wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo.

Waxa uu sheegay in gudbinta jabaabaha ay tahay mid ku xiran go’aan kama dambeys ah oo laga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal.

Dowlada Somalia waxay ku eedeysay Kenya in marar badan ay ka baaqsatay inay ka qeyb gasho wadahadallo labo geesood ah oo looga xaajoon lahaa xallinta muranka labada dal.

Si kastaba ha ahatee, labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com