Keating oo shaaciyey salka khilaafka maamullada iyo DF iyo aragtidiisa go’aankii shirka Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga sii baxaya ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay isku khilaafaan hogaamiyayaasha Soomaalida ay tahay is-aaminaad la’aan ka dhex jirta, taasi oo caqabad ku noqotay horumarkii dalka.

Keating oo xafiiska ka tageyga kowda bisha October – Waxaa beddelay Nicholas Haysom oo u dhashay South Afrika –  ayaa sheegay in horumar laga sameeyey in dhinacyada ay isku raacaan hanaanka amniga qaranka, balse dhibaatooyin siyaasadeed ay diidan yihiin in Soomaaliya ay hore u dhaqaaqdo.

“Halka aan isleeyahay dhibaato ayaa ka jirta weli waa is-aaminaad la’aan siyaasadeed oo ka dhex jirta madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, xilli doorashooyin ay soo siqayaan” ayuu Keating ku yiri wareysi uu siiyey VOA.

Keating ayaa ugu baaqay labada dhinac inay isku tanaasulaan, waxaana uu ka digay in haddii aan sidas la sameyn ay taasi walaac ku abuuri doonto beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya.

“Haddii waxyaabaha qaar ay ka sameyn karaan tanaasul, taasi waxay u faa’iideyn doontaa dhammaan dadka Soomaalida iyo maal-gelinta ay beesha caalamka dooneyso inay ku sameyso Soomaaliya” ayuu yiri Keating.

Waxa uu sheegay in hadidii heshiis iyo isku tanaasul aysan sameyn karin madaxda Soomaaalida ay beesha caalamka walaacin doonto taas, ayna adkaan doonto inay waqti iyo dadaal geliyaan xalka Soomaaliya.

Keating ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’aankii ay qaateen madaxda maamul goboleedyada ee ay toddobaadkii tagey ku hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka.

“Waa arrin nasiibdarro ah, waxaana rajaynayaa in deg deg loo saxo qaladkaas, oo ay madaxda maaamullada ogolaadaan inay la kulmaan madaxweynaha, ayaga oo aqbalaya casuumaddiisa, oo ay dhinacyada fariistaan kana hadlaan danta Soomaaliya” ayuu yiri Michael Keating.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com