Dhageyso: “Siyaasiyiin Xamar ka tagey ayaa sii hurinaya xiisadda Galmudug” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka taagan xiisado siyaasadeed oo sababtay in xildhibaano ku shirey Dhuusamareeb ay xilkii ka qaadaan Guddooomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Hayeeshee Xildhiban Cabdi Xasan Cilmi oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Siyaasiyiin ka tegay Magalada Muqdisho ay qalalaaso siyaasadeed ka wadaan deegaanada Galmudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in markii hore Siyaayiin soo gaaray deegaanada Galmudug ay u sheegeen inay yihiin xal raadis, balse markii dambe ay bilaabeen inay sii ballaariyaan khilaafkii jiray.

Waxa uu sheegay inay iyaga u arkayaan in siyaasiyiintaas qorshihii ay wadeen ee ay ka keeneen magalada Muqdisho laga fashiliyey, isla markaana ay dib ugu soo laabteen.

Tan iyo markii Hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada ay sheegeen inay xiriirkii u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku bilaawday cadaadis siyaasadeed Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Hoos Ka Dhageyso Xildhiban Cabdi Xasan Cilmi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@llive.com