R/W Kheyre oo wasiirada dowladdiisa siiyey digniin ku saabsan HESHIISYADA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horeysay Wasiirada maamulkiisa uga digay galista Heshiisyo uusan kawarqabin.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa sheegay in Wasiirada gala Heshiisyada uusan la socon ay keeni karto dhibaato, sidaa aawgeedna ay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan Wasiiro dhowr ah oo saxiixa heshiisyo caalami ah, iyadoo aan lala socodsiin xafiiskiisa, garyaqaanka guud iyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa shirkii golaha wasiirada ee shalay kusoo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore.

Dood dheer kadib golohu waxa ay isku raaceen in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ay muhiim tahay in uu jiro iska warqab.

Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/laahi Xaamud ayaa sheegay ujeedada inay tahay si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

Arrintan ayaa timid kadib markii Wasiirada Xukuumada qaarkood ay galeen heshiisyo caalami ah oo aysan ogeyn madaxda dowladda federaalka, taasi oo marka dambe keeneysa dhibaato laga dhexlo heshiisyada la galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com