KHEYRE oo qoyska Aadan Cadde raali-gelin ka siiyey arrintii ka dhacday Janaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Raisul Wasaaraha Soomaalia Xassan Cali Kheyre ayaa raali-galin siiyey qoyska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cismaan, kaas oo ay hoygiisii weerareen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ayaa weeraray guriga qoyska Aadan Cadde ee ku yaal degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, 4-tii bishan  September, waxa ayna xireen saddex dhallinyaro ah.

“Bartilmaameedka weerarka ma ahayn gurigii madaxweynihii hore ee Soomaaliya” ayaa laga soo xigtay xafiiska Kheyre.

“Waxa uu ahaa hawlgal ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Soomaliya oo ay la socdaan la taliyeyaal Mareykan ah. Ciidamada waxa ay ku raad joogeen mid ka mid ah argagixisada oo ku cararay guriga dhiniciisa oo ah halka ay qoyska ku nool yihiin,” ayaa laga soo xigtay xafiiska Kheyre.

Saddex dhallinyaro rag ah oo ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa iyo 20, kana tirsan qoyska Aadan Cadde, ayaa weerarka lagu xiray, waxaa sidaas yiri mid ka mid ah qaraabaada.  Lama garanayo halka lagu hayo dadka la xiray.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxa ay qoyska ka raali galiyeen weerarka  iyaga oo sheegay in la baari doono dhacda kaddina la soo ogaan doono halka lagu hayo dhallinyarada xiran.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in weerarka la qaaday kadib markii la siiyey warbixin been ahayd. Halkan ka aqri warkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com