GABDHO walaalo ah oo ku dhintay PUNTLAND markii lagu sameeyey GUDNIIN

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Laba gabdho oo walaal ah ayaa ku geeriyooday deegaan ka mid ah Puntland, kadib markii lagu sameeyey gudniinka fircooniga, sida ay sheegtay Xaawa Aadan Maxamed oo u dhaqaaqda ka hortagga gudniinka.

Aasiya Cabdi Warsame oo toban jir ahayd iyo walaasheed Khadiija oo 11 jir ahayd ayaa geeriyooday maaalin un kadib markii lagu guday xaafadda Arawda oo ka tirsan Puntland, 11-kii September, sida ay sheegtay Xaawa oo mamusha xarunta waxbarashada ee abadda iyo horumarka ee Gaalkcyo.

Sida ay sheegtay Xaawa, labada gabdhood ayaa dhiig-baxayey 24 saac kadib markii la guday, waxaana ay dhinteen markii ay hooyadood u qaaday isbital.

“Nasiibdarro ma aysan gaarin isbitaalka, waxaana ay dhinteen intii ay waddada ku jireen” ayey tiri Xaawa oo ku baaqday in dowladda ay soo saarto sharci mamnuucaya gudniinka.

Dhacdadan ayaa timid laba bilood kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sharciga la tiigsan doonto dadkii ka dambeeyey dilka gabar 10 jir ahayd oo sidoo kale gudniinka fircooniga ugu geeriyootay deegaan ka mid ah Puntland.

Gabadhaas oo lagu magacaabay Deeq Daahir Nuur ayaa geeriyootay laba maalmood kadib markii la guday 17-kii July, waxaana ay geeriyootay ayada oo dhaqaatiir ay isku dayayeen inay bad-baadiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com