Erdogan oo hadiyad ahaan loo siiyey diyaarad joogta $400 milyan (Arag Sawiro)

Ankara (Caasimadda Online) – Boqorka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa hadiyad ahaan u siiyey Madaxweynaha hadda hayo talada Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan diyaarad qaali ah oo nooceedu yahay Boeing 747-8 sida lagu daabacay Maanta Warbaahinada Dowladda Turkiga.

Haddiyadaan la siiyey madaxweynaha dalka Turkiga ayaa loogu magac daray “ Thani’s Love for Erdoğan” oo ujeedadeedu tahay haddiyadii uu Boqorka Qatar Al-Thani lasoo jeclaaday Erdoğan.

Wararka ayaa intaas ku darayo in diyaaradaan loo hibeeyey Erdoğan laga sameeyey qalab dhameystiran oo VIP ah.

Diyaaradaan Boeing 747-8 ayaa waxaa ku baxday Adduun lacageed oo gaarayo ilaa 400 Malyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Sida caadiga ah waxaa loogu talagalay inay qaado 400 oo qof balse diyaaradaan sida gaarka ah loogu hibeeyey Erdoğan ayaa waxaa loo sameeyey nashqad ay kaliya ku qaadi karto 70 qof.

Diyaaradaan ayaa waxay soo caga dhigatay garoonka Diyaaradaha Sabiha Gökçen International Airport waxaana lagu xareeyey qeybta la dhigo diyaaradaha uu leeyahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Hadiyadaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli Boqorka dalka Qatar uu Bishii hore booqday Magaalada Ankara halkaas oo uu kaga dhawaaqay in dalkiisa uu Turkiga ku maalgelin doono 15 Bilyan oo lacagta Mareykanka ah.