Keating: Soomaali maaha Carab, balse aad yey uga duwan yihiin Afrikaanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ka hor inta aanu dhamaystirin xilkiisa oo ah madaxa ugu sareeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa xoogaa waqti ku bixiyay inuu dib u eego sannadihii u adeegayay iyo aragtida mustaqbalka uu ka qabo dalka ku yaalla Geeska Afrika.

Mudane Keating ayaa loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) laguna dhawaaqay biishii Nofeembar 2015.

Keating oo wax laga weydiiyey waxa uu ka aaminsan yahay dadka Soomaalida iyo dhaqankooda ayaa bixiyey jawaabta hoose:

“Dhab ahaantii waan ka helaa la shaqeynta Soomaalida. Wax badan baan ka bartay. Waa dad aad siyaasiyiin u ah waxayna dareen weyn u leeyihiin kaftanka. Waxay leeyihiin wax inta waayo aragnimadayda ah aan ka dhicin meelo kale: waana in muran kulul idin dhexmari karo Soomaalida haddana aad saaxiibo ahaataan. Qof baad dood weyn ka yeelanaysaan arrin ama mid kale oo ka jirta qaar ka mid ah dalalkii aan ka soo shaqeeyay taasina waxaa dhici karta inay dhaliso 10 sanno oo aadan la hadlin qofkii. Taasi oo kale Soomaaliya kama dhacdo!  Qof baad muran weyn la yeelanaysaa [Soomaaliya] ka dibna waxaa dhacda inaad wada qadeysaan maalinta xigta.

Waxaan sidoo kale ogaaday sida ay Soomaalidu dadka uga duwan tahay. Soomaaliya waxay ka mid tahay Jaamacadda Carabta, laakiin Soomaalidu dhab ahaantii Carab ma aha. Soomaaliya waa xubin ka tirsan Midowga Afrika, laakiin aad bay dhaqan ahaan uga duwan tahay Afrikada inteeda kale. Waa dhaqan aad iyo aad uga duwan kuwa kale – waa dhaqan oraah ah oo aan la qorin. Waxay ila tahay mararka qaar aad baan uga fikirnaa in wax kasta qorno, laakiin runtii Soomaaliya waxaa ayaa muhim ka ah waxa ay dadku isu sheegaan iyo sida ay isula xiriiraan, iyo xiriirka ka dhexdooda. Waxaana u maleynayaa in taasi ay tahay waxa aan ka helay, oo ah asaasan inaan barto in badan oo Soomaali ah.

Isha: UNSOM