Boqor Salman oo madaxda Ethiopia iyo Eritrea marti qaad u diray + Qorshaha

Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga ayaa marti-qaad u diray ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isiais Afwerki, kuwaas oo lagu wado inay tagaan dalkaas maalinta axadda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxdan loogu yeeray shir saddex geesood ah oo dhex-maraya, Sacuudiga, Eritrea iyo Ethiopia, kaasi oo qeyb ka ah saamaynta Sacuudiga doonayo inuu ku yeesho geeska Afrika.

Kulanka ayaa sidoo kale la filayaa in lagu xoojiyo laguna saxiixo heshiisyo cusub oo xoojinaya heshiiska ay wada-galeen labada dal ee ku yaalla Geeska Afrika, waxaana goobjoog ka ahaan doona Boqorka Sucuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis iyo Dhaxalsugihiisa Amiir Maxamed bin Salmaan.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiskii taariikhiiga ahaa ee lagu soo afjaray colaaddii labaatanka sano ka dhaxeysay Eritrea iyo Ethiopia.

Sacuudiga ayaa sidoo kale ka dambeeyey isu soo dhowaanshaha Eritrea iyo Jabuuti, sida uu wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti sheegay.

Dowladda Soomaaliya oo qeyb ka ah isu soo dhowaanshaha dalalka Geeska Afrika, islamarkaana heshiis saddex geesood ahaa Asmara kula saxiixatay Madaxda dalalka Itoobiya, Eritrea, ayaan lagu casuumin shirkan, waxaana loo sababeynayaa xiisadda kala dhaxeysa xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay diiday inay kala safato dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com