Dhaqaalaha Soomaaliya oo sare u kacay sanadkii 2017 ee dowlada Farmaajo

Warbixin uu bangiga caalamiga uu ka soo saaray Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay inuu dhaqaalaha dalka uu kor u kaca uu sameeyey.

Wuxuuna dhaqaalaha dalku xoogaha sare u kacay inta u dhaxeysay sannadihii 2013-kii ilaa iyo 2017-kii, iyadoo kororka dhaqaale ee sannadlaha ah laga dareemay kobac dhan 2.5% , sida ay muujisay warbixin cusub oo laga soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya.

Sare u kacaan dhaqaale ayaa loo sababeynayaa inuu kaalin weyn ka qaatay adeega lacagaha la isugu diro taleefannada oo aad loo isticmaalo.

War bixintaan oo ah tii saddexaad ee laga soo saaro kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hoosta looga xariiqay iney jireen horumarro la taaban karo oo jiray sannadkii 2017-kii, kuwaasoo ay ku jirto dhaqan galintii canshuuraha khaaska ah ee ay soo rogtay dowladda federaalka.

Sida loogu taliyay war bixintii horeba, waxaa la kordhiyay canshuurta adeegyada taleefannada ee ay shacabka isticmaalaan, miisaaniyadda ayaa si wanaagsan loo jaan gooyay waxaana yaraaday lacagihii miisaaniyadda ee la khasaarin jiray.

“Horumarradaan waxay Soomaaliya u sahlayaan iney dhisto nidaamyo kale oo canshuuro ah, taasoo dowladda u suurta galineysa iney billowdo sidii ay adeegyo wax ku ool ah ugu fulin lahayd shacabka,” ayuu yiri John Randa, oo ah dhaqaale yahan sare oo ka tirsan bangiga adduunta isla markaana hogaaminayay warbixinta daraasadda ee laga sameeyay dhaqaalaha Soomaaliya.

In kastoo uu jiro kobac dhaqaale, hadana war bixintaan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuusan kobacaas ku filneyn yareynta saboolnimada, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu wali yahay mid aan waxba looga qaban karin dhibaatooyinka isugu jira abaaraha, fatahaadaha iyo bara kaca.

Warbixintan laga soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in horumarro laga sameeyo dhinaca beeraha ay saameyn ballaaran ku yeelan karto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayna horseedi karto in loo adeegsado yareynta faqriga.

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysay shaqaalaha hay’adda caalamiga ah ee daba galka lacagaha, waxay sii wadday dadaalkeeda ku aadan soo rogitaanka canshuurta, sidii loo dhaqan galin lahaa iyo sidii looga hor tagi lahaa khasaarinta qarash gareynta lacagaha.

Arrintaas ayaa sababtay, sida lagu sheegay war bixinta, in canshuurihii dowladda u soo xarooday ay sare u kaceen, kuwaasoo sannadkii 2016-ki ahaa $113 million balse sannadkii 2017-kii noqday $143 million, halka bilihii ugu horreeyay ee sannadkan 2018-kana ay noqdeen $42 million.

Waxay war bixintani ku talisay in halkaas laga sii amba qaado horumarka ku aaddan canshuur uruurinta iyo maareynta kharash gareynta labadaba, taasoo sahleysa in sare loo qaado adeegyada ay helaan shacabka iyo sare u kaca kobaca dhaqaalahaba.

Waxaa si gaar ah loogu xusay war bixintaan adeegga lacagaha taleefannada la isugu diro, oo ka mid ah ganacsiyada ugu waaweyn Soomaaliya, waxaana si khaas ah ay ugu talisay war bixintu in la sii shaac bixiyo shuruucda ku aadan adeeggaas iyo fulintiisaba.

Talooyinka kale waxaa ka mid ah:

•In shacabka isticmaala loo abuuro waxyaabo lagu sugayo ammaanka adeegaas isla markaana la xaqiijiyo sida la isugu halleyn karo.

•In la hir galiyo hannaan horumar u sii horseedi kara adeeggaas, sii ballaarintiisa, maareynta halista iyo in la yareeyo fursadaha ay heli karaan dadka sida been abuurka ah wakiillada uga noqda ama waxyeello kasta oo ka dhalan kartaba.

•In la ilaaliyo macluumaadka shacabka isticmaala adeegga iyo iney si sahlan u adeegsan karaan.

•In la xoojiyo ka war qabidda hab sami u socdkiisa iyo cabashada dadweynaha, si looga hor tago hakad ku yimaada adeegga taleefanka, wax kasta oo sabab u noqdaba

“Caqabadda heysata dadka hannaanka u dajinaya ama sharciga u sameynaya adeegga taleefannada waa sidii ay ku dhaqan galin lahaayeen shuruucda loo sameeyay maadaama adeeggaan horay loo isticmaali jiray isagoo aan wax sharci ah loo raaci jirin,” ayuu yiri Randa.

War bixintan la soo saaray ayaa ku talineysa in si toos ah loo wajaho sharciyeynta adeegga lacagaha la isugu gudbiyo taleefannada, iyadoo la ilaalinayo amaanka lacagta ay leeyihiin dadka isticmaalaya iyo in la xaqiijiyo sidii uusan adeeggaas u istaagi lahayn.