Shan arrimood oo sabab u ah Khilaafka dhex mara dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada

Tan iyo markii uu billowday nidaamka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay waxaa soo baxayey ismaandhaaf u dhaxeeya maamul goboleedyada (dawlad goboleedyo) iyo dawladda dhexe.

Dhowr sababood ayaa loo aanaynayaa. Qormadan waxaan ku eegaynaa asbaabahaas qaarkood.

Dastuurka

Soomaaliya weli waxay ku dhaqmaysaa dastuur qabyo ah. Weli afti looma qaadin, fasiraadiisana qolaba si ayey u dhigtaa.

Xataa waxaa isu eg magacyada hogaamiyeyaasha, iyo xilalka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe, si waadix ahna uma kala qeexna awoodaha dawladda dhexe iyo tan dawlad goboleedyada.

Taasi waxay keentay in dawlad goboleedyada iyo madaxdoodu isu arkaan waddamo yaryar oo wax walba oo dal looga baahan yahay leh, sidaa darteedna aan u baahnayn dawladda dhexe.

Dawladda dhexena waxay u aragtaa dawlad goboleedyada gobollo ay xukumaan madax gobol oo aan sinnaba uga bixi karin qaranka Soomaaliya.

Isku dhacyada joogtada noqday

Dawladda hadda jirta ee Farmaajo, iyo tii Xasan Sheekh Maxamuud, xiriir aad u wanaagsan ma uusan dhex marin ayaga iyo dawlad goboleedyada. Sababtu waxay tahay arrimaha aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo aan soo sheegi doonno, iyo ayagoo aan marka horeba isku aragti ahayn.

Dhowr goor ayaa iyaga iyo maamul goboleedyada waxaa dhex maray isku dhacyo. Maamulladu waxay ku eedeeyaan fara gelin inay ku hayso dawladda dhexe, dawladduna inkastoo ay aad uga gaabsato wax ka sheegga maamullada, misna mararka qaar kama waabato.

Arrimahaas waxay keeneen in mar kasta oo arrin laga heshiin karo ay timaado in la kala boodo, ayna qaadato wakhti in dib la iskugu soo noqdo.

Tusaale ahaan, khilaafka hadda taagan, dadka wax indha indheeya oo uu ka mid yahay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid wuxuu qabaa “in xal loo heli doono, ama ha ka yimaado maamullada gudahooda, ama beesha caalamka oo soo faragelisa”. Laakinse xalkaas muddo ayuu sida muuqata qaadan doonaa.

Loollan Quwado Shisheeye

Waxaa aad u soo noqnoqday in madaxda maamullada ay taageero u doontaan dibadaha, qaarkoodna ay “qaraab tagaan”, ayagoo u arka in aysan xukuumadduba ku taagnayn waddo sax ah oo ay musuqmaasuq faraha kula jirto.

Taasi waxay keentay in Soomaaliya ay dhexda ka fariisato khilaaf aysan shaqo ku lahayn oo ah kan khaliijka.

Maamullada dalka ka jira dhamaantood waxay xiriir fiican la leeyihiin Iimaaraadka Carabta oo dawladda Soomaaliya ay kala boodsan yihiin, halka dawladduna ay xiriir aad u fiican la leedahay Qatar oo uu gadaal ka taagan yahay Turkiga oo ah saaxibka ugu weyn ee ay Soomaaliya leedahay.

Labada dhinacba waxaad mooddaa “in midba uu doonayo inuu saaxibka kan kale ka guulaysto”.

Doorashooyinka maamullada

Maamullada gobollada waxaa ku soo socda doorashooyin muddooyin isu dhowdhow dhacaya, ayadoo maamulka ugu horreeya ee doorashadiisu soo dhow dahay uu yahay kan koofur Galbeed oo la filayo inay qabsoonto Nofembar 2018.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaar ka mid ah ayaa wadnaha farta ku haya. Waxay ka cabsi qabaan in ay kursiga ku soo laaban waayaan, ama in uu soo baxo musharrax ” u janjeera dhanka dawladda dhexe”.

Taasi waxay keentay in ayadoo la is garbinayo ay maamulladu iminkaba sii kala qaybqaybsamaan, kana sii cararaan dawladda, shaki ay ka qabaan dartiis.

Dano is diiddan, kuwo shakhsi ahaaneed iyo is xulafaysi

Dhamaan arrimahaas aan soo sheegnay waxay keeneen in uu sii xoogaysto loollanka ka dhaxeeya dawladda dhexe iyo maamullada.

Kala fogaanshahaas ayaa keenay nin tooxsi ku dhisan musuqmaasuq, iyo in xafiisyada hay’adaha maamulka lagu arko dad ku hayb ah madaxda dhinacyada is haya, maadaama uusan isla xisaabtan jirin.

Waxaa kale oo iyadana jirta in maamullada iyo dawladda dhexe ay qaadaan canshuuro ay su’aal ka taagan tahay waxa lagu qabto iyo halka ay aadaan.

Arrimahaas waxay keeneen in faraha la isku taagtaago, duniduna u aragto Soomaaliya mid ka mid ah dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka.

Waxaa dhanka kale marka la eego soo baxaya is xulafaysi soo xoogaysanaya oo u dhaxeeya xisbiyada dalka ka jira, bulshada rayidka iyo madaxda maamullada, kuwaasoo is gaashaan buuraysanaya, durbana ka wada hadlaya waxa laga yeelayo cidda musharrax noqon doonta doorashooyinka 2021.