DF oo shaacisay halka uu marayo qorshaha dib loogu howl-galinayo Somali Airlines

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Salaad ”Oomaar”, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradiisa ay ku howlantahay howlgalinta diyaarada Somali Airlines.

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in dib loo howlgalsho diyaarada, isla markaana adduunka la tuso in Somalia ay gaartay isku filnaan buuxda.

Waxa uu sheegay in arrinta dib usoo celinta Somali Airlines ay kala hadleen Ganacsato kala duwan si dib loogu soo celsho Somali Airlines.

Isagoo ka hadlaayay ayuu yiri “Dib u howlgalinta Diyaarada Somali Airlines waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu waa weyn ee aan ahmiyada saareyno”

Shirkada Somali Airlines waxaa la aasaasay bishii March 5 -teeddii sanadkii 1964, shirkadda ayaa waxaa ay waqtiga ka mid ahayd kuwii duulimadyada ee waqtiga ugu wanagsanaa.

Laakin waxaa ay hawada ka baxdey markii dowladdii dhexe ee dalka ay bur burtay, iyadoo aan dib ugu soo laaban hawada.

Geesta kale, dowladdii uu hoggaanka u hayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegtay in ay dadaallo kala duwan ay ku bixisay soo celinta Somali Airlines laakiin ugu dambeyntii ay suurtagali waysay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com