DF Somalia oo wada qorsho ka dhan ah jaamacadaha ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa shaacisay inay bilaabeyso hubinta tayada Jaamacadaha ku yaalla Somalia.

Dowladu waxa ay sheegtay inay sii kordhayaan Jaamacadaha ay ku yaryihiin Khubarada aqoonta u leh cilmiga ay bixinayaan, maadaama ay mashruuc isku bedeshay furashada Jaamacadaha.

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ah Wasiirka Wasaaradda Waxbashadda dowladda Somalia ayaa sheegay in DFS ay dib u eegis ku sameyn doonto Tayadda waxbarashadda si gaar ah Jaamacadaha.

Waxa uu tilmaamay in dib u eegista ay ku sameyn doonaan dhinacyada Tayadda Waxbashadda iyo maadooyinka lagu qaato Jaamacaddaha Faraha badan ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Waxa uu Wasiirka cadeeyay inay faraha kasii baxayaan Jaamacadaha isla markaana kuwa iminka ku yaala magaalada Muqdisho ay ka badan yihiin 50 Jaamacadood oo badankood ay liitaan nidaamkooda Waxbarasho.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in aan la aqbali doonin in xarun waxbarasho oo aan buuxin shuruudihii laga rabay in ay ka furnaato Soomaaliya.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa ”Magaalada muqdisho keliya ayaa waxaa ku taalla in ka badan 50 Jaamacadood, qaarkood uma qalmaan Jaamacad sida ay inoo sheegeen dadka dhigta”

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogaankarin waxa ka suuragali kara hadalka Wasiirka maadaama mas’uuliyiinta dowlada qaarkood ay qeyb ka leeyihiin Jaamacadaha qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com