Dhacdadii horseeday in madaxda Shabaab oo isa soo dhiiba raba ay ka laabtaan

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay guul darradii ciidanka dowladda ka soo gaartay dagaalkii Cowswayne in ay sabab u noqotay in madax katirsan Shabaab oo isa soo dhiibi rabay ay helaan fursad ay ku baxsadaan. 

La-taliyaha amniga qaranka oo bixinayay wareysi ayaa sheegay, maalmo ka hor dagaalkii Cowswayne in ay dowladda lasoo xiriireen madax katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay diyaar u ahaayeen inay dowladda iskusoo dhiibaan.

Xuseen Sheekh Cali wuxuu wareysiga ku sheegay, in wax walba ay isbeddeleen markii uu dhacay dagaalkii Cowswayne, kaas oo ciidamada dowladda ay khasaare weyn kala kulmeen.

“Cowswayne, usbuucyadii ka horraysay macluumaadka aan helaynay wuxuu ahaa, in nimanka waawayn ee Shabaab oo meesha jooga ay dowladda soo wada wacayeen oo ay kala hadlayeen sidii ay iskusoo dhiibi lahaayeen. Nasiib darro, qaladaad militari ayay ahayd waxay dhacay,” ayuu yiri. 

La-taliyaha amniga qaranka waxa uu sheegay in waqtigii Shabaabku dhihi lahaayeen “ibixiya” ay soo dhowdahay. Hase ahaatee wuxuu caddeeyay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo doonaya in Shabaab aan laga adkaanin. 

“Waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in haddii Shabaab la wiiqo ay siyaasadooda khatar ku tahay,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali. 

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada Xuseen Macallin, hase yeeshee waxaa dhab ah in maalmihii hore ee dagaalka si weyn jab loogu gaarsiiyey Al-Shabaab, askar bandanna looga dilay. 

Si kastaba, dowladda ayaa kadib ka gaabisay dagaalkii, taasi oo horseeday in Al-Shabaabka ay dib u dhiiradaan ayna dib u qabsadaan qaar badan oo ka mid ah deegaanadii horey looga saaray.

Dowladda ayaa bilooyinkii ugu dambeeyey ku cel-celineysay in dib loo billaabi doono dagaalka, islamarkaana bilo looga adkaan doono Al-Shabaab, balse weli kama aysan dhabeyn.