Dhacdo aan nooceeda oo kale la fileyn oo 2 gabdhood ku qabsatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qiso aad loola yaabay, ayaa waxay ka dhacday isgoyska Sanca ee ku yaalla magaalada Muqdisho kadib markii labo haween ah oo dhalinyaro ahi ay soo mareen waddada iyagoo xiran dhar aad u qafiif ah oo jirkoodu ka muuqdo.

Haweenkan, ayaa xirnaa dharka laga isticmaalo waddamada reer galbeedka sida saraawiil iyo funaanado ku yar yar jirkoodana sawiray, waxaana ku kacay dadweynihii suuqa ka tukaameysanayay iyo kuwii boosteejada gaadiidka ku sugayay.

Si aad ah ayaa loo dhagxiyay labada gabar, waxayna lafahooda kula carareen PHARMACY goobta ka dhowaa, halkaasi oo dadweynihii ay damceen inay xoog ku galaan, si ay ugala soo baxaan labadaasi gabdhood, waxaana u soo gurmaday ciidan booliis ahaa oo goobta ka dhowaa, kadib markii uu ka difaaci waayay milkiiliha PHARMACY-gii ay magan sadeen sida uu idaacada DALSAN ee Muqdisho u sheegay Maxamad Xuuti Cismaan oo goob jooge ka ahaa dhacdadaasi.

Waxaa haweenkaasi markii dambe dharkii looga badalay gudaha goobtii ganacsi ee ay magan galeen, kadib markii haween kale oo ay ehel ahaayeen ay dhar u keeneen, waxaana si dirqi ah lagu saaray gaari iyada oo dadweynihiina ay sii tuuryeynayaan.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo martay xili haweenku ay uga labisan jireen sida reer galbeedka iyagoo sarawiil xiran madaxuna uu qaawan yahay sida dadka caadiga ahna wadooyinka u mari jiray sanadihii todobaatanaadkii iyo sideetanaadkii, taasoo marka dib ay u xusuustaan qaar ka mid ah haweenkii xiligaasi oo hada da,ahi ay aad uga shalaayaan.

“Waa talaabo aad loogu farxo in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysnaadaan dhowrista dhaqankooda iyo diintooda” ayuu yiri nin oday ahaa oo kusoo baxay qeyladhaantii iyo sawaxankii dadweynaha ee goobtaasi ka dhacay .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com