Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Wadada Maka Al-Mukarama

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday xalay dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii uu fariin goostay gaari nooca raaxada ah oo marayey qaybo ka mid ah wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama.

Gaariga ayaa ku tegay goob maqaaxi oo ku taalla agagaarka isgoyska shaqaalaha, halkaas oo ay ku sugnaayeen dadweyne kala duwan oo ku caweynayey halkaasi.

Inta xaqiijiyey waxaa shilkan baabuur ku dhintay ugu yaraal hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 kale oo ka mid ah dadkii ku sugnaa meesha uu shilku ka dhacay.

Goobta ayaa waxaa ku soo xoomay dadweyne fara badan oo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada kasoo gaartay shilkaasi geystay khasaaraha leh dhimashada iyo dhaawac.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay dhacdadan ayaa si deg-deg ah loola cararay isbitaalka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale xiray darawalkii waday gaariga, kaas oo loo gudbiyey xarunta CID-da, iyada oo loo heysto waxyeelada ka dhalatay shilka uu galay baabuurkiisa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal gaari iyada oo la sheego in ay dhibaatooyinkan soo cel-celiyaan mas’uuliyad darro ay sameeyaan darawallada gaadiidka.