Muxuu R/W Rooble ka yiri doorashada Macallimuu?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray doorashadii maanta lagu doortay afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Rooble ayaa marka hore hambalyo u diray Macallimuu oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#068, kadib doorasho ka dhacday magaalada Beldweyne.

“Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa walaalkey Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in Macallimuu uu ku soo shaqeeyey xifrado kala duwan, iyada oo lagu jiro xilliyo adag, isla-markaana uu ku soo dhaawacmay 5 jeer.

“Macallimuu waxa uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn.  Ma badna ayaan filayaa qof ka mudan in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka oo uu Macallimuu u 5 jeer u dhaawacmay,” ayuu qoraalkiisa raaciyey ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay,”.

Guusha Macallimuu ayaa aad loo boggaadiyey, maadaama isaga oo dhaawac ah uu doorashada u aaday HirShabelle, gaar ahaan deegaan doorashadiisa Beledweyn.

Si kastaba, doorashadiisa ayaa ku soo aaday maalmo uu kadib, kasoo laabashadiisii dalka Turkiga oo dhaawaciisa loo qaaday, kadib qaraxii lagula eegtay magaalada Muqdisho.