Maxay ka wada-hadleen saraakiisha ITOOBIYA iyo madaxweyne A/Madoobe?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay saraakiil ka socotay dowladda Itoobiya, gaar ahaan taliska ciidamada qaranka ee wadankaasi.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa taliyeyaasha qeybta 3-aad & 6-aad ee ciidanka difaaca Itoobiya, taliyaha guutada 5-aad ee lugta & taliyaha nabad sugida Jubaland.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka ee xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab, isla-markaana la xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.

“Al-Shabaab waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii ay u wiiqi lahayd midnimada iyo walaalnimada labada waddan. Sidaa darteed waa in aan iska kaashanaa in aan gacanta ku dhigno ilaa Doolo” ayuu yiri madaxweyne dowlad goboleedka Soomalaiyeed ee Jubbaland.

Dhankiisa taliyaha qeybta 6-aad ee ciidanka difaaca Itoobiya, Sarreeye Guuto Ababaw Seid ayaa dhankiisa sheegay in si looga hortago khatarta Al-Shabaab ay lagama maarmaan tahay in si dhow loola shaqeeyo dowladda, ciidamada ammaanka & guud ahaan shacabka.

Itoobiya ayaa qayb ka ah dalalka ka qayb qaata howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka, waxaana ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.