Sawirro: Maxamed Ibraahim Macallimuu iyo xubno kale oo lagu doortay Beledweyne

Bedweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadooda ay tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Hop#032, Hop#068, HOP#022 iyo HOP#003, waxaana kursi ka mid ah kusoo baxay Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo doorashadiisa isha aad loogu wada hayey ayaa ku guuleystay kursiga Hop#068, sida uu shaaciyey guddiga SIET ee HirShabelle.

Guusha Macallimuu ayaa aad loo sugayey, maadaama isaga oo dhaawac ah uu tartanka doorashada u aaday Beledweyne, waxaana kursiga uu ahaa mid loo xiray.

Sidoo kale xubnaha kale ee soo baxay waxaa ka mid ah:-

1-Khaliif Cabdi Cumar oo dib loogu doortay kursiga Hop#032.

2-Cismaan Maxamed Cabdi Daallo oo dib loogu doortay kursiga HOP#022.

3-Cabdiraxmaan Beene Beene oo isna dib loogu doortay kursiga HOP#003.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana haray laba kursi oo kale oo qorshuhu in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne.

HirShabelle ayaa dadajineyso doorashada Golaha Shacabka Soomaliya, waxayna shalay soo saartay qaybtii labaad kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay Beledweyne.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 15-ka bisha soo socoto Maarso, sida ay dhowaan isku raaceen xubnaha Golaha Wadatashiga.