Dhacdo xannuun badan oo ka dhacday WAJEER

Muqdisho (Caasimada Online) – Lammaane lagu kala magacaabo Maxamed-deeq iyo Fatumo Ibraahim oo ku wada noolaa Deegaanka Khorof Harar ee Degmadda Wajeer ayaa lagu soo waramay inuu dhex maray muran ugu dambeyntii sababay inuu Ninkii Tooreey dhabanka ka geliyo Xaaskiisa oo 4 carruur u dhashay.

Nin la dhashay Eedeysanaha ayaa isku hawlay inuu Lammaanaha dhexdhexaadiyo ka hor inta aan la dooxin Haweeneyda, balse waxaa dhacay falka Tooreynta.

Waxa uu cararay Saldhigga Boliska si loo caawiyo, waxaana la soo siiyey Gaari Ambalaas iyo Ciiddan, kuwaasi oo haweeneydii dhaawaca ahayd ula soo cararay Isbitaalka Guud ee Wajeer.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Guud ee Wajeer wey ku guuleysan waayeen inay Haweeneyda ka saaraan Tooreyda laga dusiyey Dhabankeeda, waxayna sheegeen in Tooreyda xubno khatar ah dhex taallo,sida laga dheehan karo Raajada (X-Ray)-da la saaray.
Raajo
Haweeneyda Dhibanaha oo 32 jir ayaa la qorsheynayaa in loo soo duuliyo Nairobi, si ay Dhakhaatiirta Isbitaalka Kenyatta National Hospital wax uga qabtaan dhaawaceeda oo ay Dhakhaatiirta Wajeer ku tilmaameen mid halis gelin kara nolosheeda.

Dhinaca kale, Boliska Wajeer Galbeed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Ninka sida xun u dhaawacay Xaaskiisa, waxaana la filayaa in la maxkamadeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, Falka noocaasi ayaa u muuqda mid laga argagaxo, waxaana habboon inay ragga u samraan Xaasaska, oo aan lagula kicin falal wax u dhimayo Noloshooda, laguna muteysan karo Ciqaab Adduun iyo mid Aakhiro.

W/T Axmed Xaaji Ugaaska
ISHA: The Star

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com