Iran oo shaacisay sababta xiisad kala dhaxeysa..

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Iraan ayaa ka hadashay halka uu ka bilowday xiriir xumida kala dhexeysa Dowlada Sacuudiga oo iyadu dhawaan jartay xiriirka kala dhexeeyay Iraan.

Bayaan kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Iraan, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Dowlada Sacuudiga ay dhawaan duqeyn cirka ah la dhacday Safaarada Iraan ee magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in Dowlada Iraan aysan ilaa iyo hadda garankarin sababta loo duqeeyay Xarunteeda waxa ayna Iraan tilmaantay in xiriir xumida ay halkaasi ka bilaabatay.

Wasaarada arimaha dibada Iraan waxa ay sidoo kale, sheegtay in arintaasi ay tahay xad gudub ka dhan ah qawaaniinta heerka caalami ee dhigaaya inaan lagu xadgudbi karin xarun diblumaasiyadeed.

Eeda Iraan ayaa waxaa beeniyay wariye katirsan wakaalada wararka ee AP oo sheegay inuu booqday dhismihii safaarada Iraan ee magaalada Sanca balse uusan ku arag wax bur bur ah oo soo gaaray dhismaha safaarada.

Weriyahaasi ayaa sheegay in Iraan ay marmarsiyo u sameyneyso xasarada adag ee iminka kala dhexeysa Dowlada Sacuudiga.

Sidoo kale, waxaa sii laba kacleynaaya xiisada ka dhex taagan Iraan iyo Sacuudiga waxaana faraha kasii baxaaya Dowladaha carabta ee ku dhawaaqaya inay jireen xiriirka kala dhexeeya Dowlada Iraan.

Geesta kale, labada dawladood ayaa marka laga tago xiisada hada u dhaxaysa kala taageersan dhinacyada isku haya dalka Syria iyo Yemen, waxaana aad looga cabsi qabaa in xiisadani isu badasho gacan kahadal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com