Daawo Video: FAARAX Macallin oo kashifay SIR badan oo ku saabsan madaxda Somalia & Gabre

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Macalin oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ee Soomaalida ah ayaa shaaciyay xog badan oo ka qarsoon shacabka Soomaaliyeed oo ku saabsan awooda Generaal Gabra ku dhex leeyahay dalka Soomaaliya.

Isaga oo la hadlayay kumanaan dad ah ayuu sheegay in madaxda ugu sareyso dalka aysan laheyn wax awood ah oo ay iska sheegtaan xilalka sababtoo ah buu yiri waxaa farta ugu yeera Generaal Gabre oo Ethiopia u dhashay.

Faarax wuxuu sheegay in madaxda Soomaaliyeed ay isku dhiibeen General Gabre maadaama ay ka dambeeyaan ayna qaataan amarka uu isaga siiyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxda Soomaalida bahdilkooda nin xun oo yar oo xabashi ah ayaa farta ugu yeeraya, markaas ayay jilbaha isku garaacayaan oo ay aadayaan halka uu u tilmaamo waana Generaal Gabre”ayuu yiri Faarax Macalin.

Hoos ka daawo cadeynta