Dhacdo xanuun badan: 11 qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay qarax.

Xasuuqii ciidamada Yuhuuda ay ka wadeen marinka Gaza ayaa weli sii socda, ayada oo dad badan oo falastiiniyiin ah lagu dilay weerarooda.
In ka badan 70 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa illaa iyo hadda la dilay, waxaana dhaawac ah dad kor u dhaafaya 600.

Dhibanayaasha badankood waa dad rayid ah oo aan waxba galabsan una badan carruur iyo haween.

Dhacdadii ugu xanuunka badneyd ayaa dhacday markii 11 qof oo hal qoys ah lagu dilay qarax ay fuliyeen diyaardaaha Yahuudda.

Jamal Dalu oo ah nin dukaan ku leh Gaza ayaa u baxay deriska, hase yeeshee markii uu soo laabtay waxa uu u yimid ayada oo qarax uu baa bi’iyay dhammaan qoyskiisa.

Waxaa halkaasi ku geeriyooday walaashiis, xaaskiisa, labadiisa gabdhood, gabar uu sodog u ahaa, afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa, oo da’doodu u dhaxeysay 2 illaa 6 sano iyo laba qof oo deriska ah.

Illaa iyo hadda caalamka iyo dalalka carbeed ayaa ka aamusan xasuuqa yahuuda ku hayaan shacabka reer Falastiin.