Rio Ferdinand oo Janaayo ku wajahan Horyaalka Shiinaha.

Waxaa jira fursad uu Rio Ferdinand uga tegaayo kooxdiisa Manchester United inta lagu jiro xagaaga marka uu dhamaado qandaraaskiisu, 34 jirkaan ayaana ka fikiraaya inuu ka tago gegeda Old Trafford. Sida uu qoray wargeyska The Guardian.

Daafacaan ayaa u sheegay saaxiibadiis inuusan dooneyn inuu ciyaaraha ka fariisto, waxaana muuqata inuusan mustaqbal dheer kusii laheyn United, isagoo Leeds uga soo biiray 2002dii markaasoo lacag Rikoor ah oo 30 milyan oo ginni ah lagula soo wareegay, waxaana laga yaabaa inuu xidigaani u jiheysto dalka Shiinaha oo waayadaann dambe hooy u noqday ciyaartoyda kasii gaoobaba kubada cagta.

Tabare Sir Alex Ferguson ayaa dhowaan sheegay inuu rumeysan yahay inuu Ferdinand xoogaa sanado ah usii ciyaari karo United. “Waxaan filayaa inuu Rio kooxda usii ciyaari karo wax ka badan laba ama sedax sano,” ayuu yiri Tababaruhu.

Isagoona sheegay inuu yahay daafac muhim ah oo qibrad leh, xilli uu carabka ku dhuftay inaan dhaqso la isaga diri Karin.

Ferdinand lafsad ahaantiisa ayaa mar qirtay in waxa ugu fiican oo uu ka fikiraayo ay tahay sida ay kooxda noqoto ka dib sanada cusub.

Balse wararka xanta ah ayaa sheegaya in Mushaar badan daafacaan looga sheegaayo dalka Shiinaha waana ku dhowaad 130 kun oo ginni isbuucii xilli aan kooxda magaceeda la shaacin.

Nicolas Anelka ayaa ka tegay Chelsea xilli uu Janaayo ku biiray kooxda Shiinaha Shanghai Shenhua wuxuuna ka qaataa 175 kun oo ginni isbuucii, Didier Drogba oo xagaagii isna kooxdaas kula biiray ayaa isna qaata 195 kun oo ginni isbuucii, waana waxa hamiga gelshay Ferdinand.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.