Gudoomiyaha Liverpool Tom Werner: Luis Suarez iib ma ahan.

Gudoomiyaha kooxda Liverpool Tom Werner ayaa amaanay weeraryahanka kooxdiisa Luis Suarez wuxuuna sheegay inaan la iibin doonin, xilli uu intaa raaciyey in kooxda lagu soo dari doono ciyaartooy hor leh.

Suarez ayaa xilli ciyaareedaakan 2012-13 wuxuu ku bilowday si wanaagsan isagoo gool dhalinta Premier League ku hor boodaya 10 gool.

Ka dib bandhigiisa qurxoon ee uu hugaamiyo Reds, Manchester City ayaa dooneysay inay sanadka cusub dalbadaan, laakiin Werner wuxuu qirtay inuusan ninka reer Uruguay meelna uga socon Anfield.

“Waa ciyaryahan ay aad u qurux badan tahay inaad daawato marka aad tahay taageere Liverpool ah waxaan rajo ka qabaa inaan sanado badan oo soo aadan daawado,” ayuu Werner u sheegay saxaafada.

“Ma aan ku fikireyno inaan iibino, marnaba maya.

“Waxaan la galnay qandaraas waqti dheer ah xagaagii waxaan dooneynaa inaan ciyaaryahano cusub kula soo biirino kooxda.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.